˷ͧƻ

Home
Contested Knowledges in and through Asylum Litigation (ASYKNOW)

Somali (Af Soomaali)

Ma xiisaynaysaa inaad ka qaybqaadato mashruuca cilmi baarista “Tartanka Aqoonta ee gudaha iyo ilamaa habka racfaanka magangalyada” (ASYKNOW) )? ASYKNOW waxay daraasaysaa isticmaalka aqoonta khabiirka iyo caddaynta habsocodyada rafcaannada magangalyada ee Norway, Denmark, Sweden, iyo Germany.

Main content

Kiisaska magangalyada waxay ku adkaan kartaa go'aan-qaadayaasha inay go'aan ka gaaraan, oo markaas go'aanku ku reebo qofka ay khusayso cawaaqib xumo. Waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay in wax badan laga ogaado doorka aqoonta khabiirku ka ciyaarto habsocodyada rafcaanka magangalyada. Aqoonta wanaagsan ee sida aqoonta khabiirka loo isticmaalo oo lala loolamo marka diidmada magangalyada laga dacwoodo waxay gacan ka geysan kartaa hagaajinta nidaamba magangalyada Yurub. Aqoonta khabiirka waxaa kamid ah, tusaale, warbixinnada caafimaadka, macluumaadka dalka, iyo tijaabooyinka luqadda iyo da'da.

Waxa aan samayno 

Waxaan rabnaa inaan la hadalno shakhsiyaadka ku lugta leh habsocodyada racfaannada magangalyada (magangalyo-doon, qareenno, garsoorayaal, markhaatiyaal, turjubaano, iwm.). Waxaan ku weydiin doonnaa su'aalo ku saabsan waayo-aragnimada aad ka dhaxashay habsocodka.

Daraasadda waxaa kale oo kamid ah indho-indhaynta kiisaska maxkamadaha iyo akhrinta dukumeentiyada iyo go'aamada kiiska.

Macluumaadka ayaa loo isticmaali doonaa in lagu qoro maqaallo iyo buugaag tacliimeed. Intaa waxaa dheer, waxaan go’aan qaadayaasha, ururada iyo warbaahinta siin doonnaa bandhigyo. Suurtagal ma noqon doonto inaan kaa dhex aqoonsanno wax kasta oo aan qorno maadaama aan bedeleyno magacyo iyo astaamo shakhsiyeed.

Iskaa uga qaybqaado

Waa caadi haddii ay jiraan su'aalo gaar ah oo aadan doonayn inaad ka jawaabto. Sidoo kale waa caadi haddii aadan doonayn inaan isticmaalno qoraaladeenna ka socda kiiska maxkamada. Noo sheeg uun. Kuma saamayn doonto adiga haddii aadan doonayn inaad ka qaybqaadato ama aad hadhoow doorato inaad codsato in macluumaadkaaga la tirtiro.

Ma waxaa jira wax faa'iido ama khatar la xiriirta ka qaybqaadashada?

Ma aaminsanin inay jiraan faa'iidooyin toos ah ama khatar la xiriirta ka qaybqaadashada daraasadda. Ma saamayn doonto kiiskaaga magangalyada haddii aad doorato inaad ka qaybqaadato iyo in kale. Waxaan ku siin karaa macluumaad dheeraad ah oo arrinkan ku saabsan kahor wareysiga.

Wax walba oo aad noo sheegto waa qarsoodi. Hase yeeshee, haddii aad bixiso macluumaad muujinaya khatar halis ah, nafta dadka kale ama taada halis gelinaysa, waxaa waajib nagu ah inaan ku caawino annagoo ogeysiinayna hay'adaha ama shakhsiyaadka ay khusayso.

Sida aan u kaydino oo aan u isticmaalno macluumaadka

Tani waa daraasad madax-bannaan oo ay hoggaaminayso Jaamacadda Bergen oo ay maalgelisay Golaha Cilmi-baarista Yurub.

Waxaa kaliya oo aan u isticmaali doonnaa macluumaadka adiga kugu saabsan ujeedooyinka aan halkan ku sharraxnay. Haddii aad doonayso inaad ka baxdo, waxaad nagula soo xiriiri kartaa adigoo isticmaalaya macluumaadka xiriirka ee ku qoran dukumeentiga.

Dhammaan xogta waxa loo wareejin doonaa oo lagu kaydin doonaa kayd sugan, waxaanan kala ilaalin doonnaa macluumaadkaaga xiriirka, oo uu ku jiro magacaaga. Nalooma ogola inaan macluumaadkaaga la wadaagno qof ka baxsan kooxda cilmi-baarista.

Kadib marka mashruucu dhammaado, macluumaadka waa la qarin doonaa. Tani waxay dhici doontaa ugu dambayn dhammaadka 2030.

Xagee baan ka Heli Karaa wax intaa ka Badan?

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan daraasadda ama aad doonayso inaad isticmaasho xuquuqdaada, fadlan la xiriir:

Maamulaha Baaritaanka: Dr. Marry-Anne Karlsen, Jaamacadda Bergen, Waaxda Cilmi-nafsiga Bulshada, Iimaylka:marry-anne.karlsen@uib.no, Telefoonka: +47 55 58 89 31 

Sarkaalka Ilaalinta Xogta: Jannecke Helene Veim, Jaamacadda Bergen, Waaxda Siyaasadda Isbarbardhigga, SANDUUQA BOOSTO 7800, NO-5020 BERGEN NORWAY, Telefoonka: +47 930 30721 / +47 555 82029, Iimaylka: Janecke.Veim@uib.no